Sida ay u Shaqeyso

AKHRI, SAMEY oo SAHAMI

Barnaamijka Dalxiiska Xagaaga ee Maktabada Dadweynaha Denver waxa uu dhiirigeliyaa dhallinta laga bilaabo da'da dhalashada ilaa fasalka 12aad in ay wax bartaan, koraan oo helaan madadaalo.

Inta lagu jiro bilaha xagaaga, iyadoo aan dugsiga la joogin, ardaydu way waayaan fursad ay wax ku bartaan waxayna la kulmi karaan luminta waxbarashada ama silitaan xagaaga. Taa bedelkeeda aan korno oo aan sahamino! Kaalay la kulan khabiiro, baro xirfado cusub, oo hel habab cusub oo wax loo akhriyo. 

Barnaamijka Dalxiiska Xagaaga wuxuu siyaa dhamaan dhalinyarada da'da kala duwan oo leh awood kala duwan, fursado waxbarasho aan rasmi ahayn iyo hawlo si ay uga caawiso kobaca tacliinta iyo xirfadaha shucuurta bulshada bilaha xagaaga oo dhan. 

Oo intaasba waxaa ka wanaagsan, waa BILAASH, waana MADADAALO, waxaana loo sameeyay ADIGA!

Jadwalka waqtiga

Dalxiiska Xagaaga wuxuu socdaa Juun 1 - Agoosto 10. Waa kuwan taariikhaha muhiimka ah:

  • Juun 1: Maalinta ugu horeysa ee lais diiwaan geliyo
  • Juun 1: Tartanka wax Samaynta ayaa bilaabanayaa
  • Juun 30: Maalinta ugu horreysa ee la soo qaato Abaalmarinta Dhamaystirka iyo Tigidhada VIP ee Dabaaldegga Dhamaystirka
  • Ogosto 3: Maalinta ugu dambeysa ee isdiiwaangelinta
  • Ogosto 10: Maalinta ugu dambeysa ee Tartanka wax Samaynta
  • Ogosto 10: Maalinta ugu dambeysa ee abaalmarinnada
  • Agoosto 10: Dabaaldegga Dhamaystirka Magaalada oo dhan ee Denver Zoo

Fiiro gaar ah: Qaybaha barnaamijka iyo taariikhda la qaadayo waa la bedeli karaa.

Sida laisku Diiwangeliyo

Laga bilaabo Juun 1, iska diiwaan geli onlayn ama maktabadda xaafaddaada. Hagaha Dalxiiska iyo abaal-marinnada diiwaangelinta ayaa diyaar ku ah in laga qaato dhammaan goobaha laanta.

Hagaha Dalxiiska

Lasoco wakhtiga aad ku bixineyso AKHRINTA, WAX SAMAYNTA, iyo SAHAMINTA xagaagan Dhamaystir 20 hawlood oo la xiriira akhriska, samaynta, iyo sahaminta si aad u urursato abaal-marin dhamays iyo TIGIDH HEER SARE AH (TICKET VIP) xafladii Dhamaystirka abid ee Agoosto 10-keeda.

Soo deji Raad-raacaha Hawlaha.

Hawlaha la soo jeediyay

Hel talooyin iyo siyaabo cusub oo aad wax ku barato, u noqoto mid hal abuur leh, oo aad u sahamiso aduunkaaga xagaagan. 

DHALINYARADA
CARUURTA
CARUURTA DHIGATO WAXBARASHADA HORE

Abaalmarinada

Abaalmarinta Diiwaangelinta:

  • Caruurta waxbarashada Hore Kujirto: Giant START Sticker
  • Dhallinyarada & Carruurta: The START enamel pin

Abaalmarinta Dhamaystirka:

  • Bartayaasha Hore: Istiikarada Weyn ee Dhameystiran iyo Tikidhka VIP-da Dabaaldegga Dhamaystirka ee ugu horreeya ee Agoosto 10-keeda 
  • Dhalinyaro & Carruur: pinka dhaldhalaalka ah ee dhamaystiran iyo tikidhka VIP-da ee Dabaaldegga Dhamaystirka abid ee Agoosto 10-keeda

Abaalmarinta AKHRINTA: 
Ururso abaalmarinta AKHRINTA marka aad ka qaybqaadato dhacdo ama hawlo laanta maktabadda

  • Caruurta Waxbarashada Hore: Giant READ Sticker (Istiikarada AKHRISKA Weyn)
  • Dhallinyarada & Carruurta: The READ enamel pin (AKHRISKA biinanka dhaldhalaalka)

Abaalmarinta SAMAYNTA: 
Ururi abaal-marin SAMAYN marka aad ka qaybqaadato dhacdo ama hawlo laanta maktabadda

  • Caruurta Waxbarashada Hore: Giant MAKE Sticker (Istiikarada SAMAYNTA Weyn)
  • Dhalinyaro & Carruur: The MAKE enamel pin (Biinanaka dhaldhalaalka ee SAMAAYNTA)

Abaalmarinta SAHAMINTA: 
Ururi abaalmarinta SAHAMINTA marka aad ka qaybqaadato dhacdo ama hawlo laanta maktabadda

  • Caruurta Waxbarashada Hore: Giant EXPLORE Sticker (Istiikarada Weyn ee SAHAMINTA)
  • Dhalinyaro & Carruur: EXPLORE Pin

Abaalmarinada waa la heli karaa marka sahaydu dhamaato.

Dabaaldegga Dhamaystirka

CUSUB! Markii ugu horeysay waxaa lagugu martiqaadayaa Dabaaldegga Dhamaystirka Dalxiiska xagaaga! 

Waxaan rabnaa inaan u dabaaldegno dhammaan dhalinyarada isticmaasha Denver Public Library (Maktabada Dadweynaha Denver) oo dhammeystay barnaamijka Dalxiiska Xagaaga. 

Abaal marin baad mudan tahay!

Nagu soo biir Beerta Xayawaanka ee Denver (Denver Zoo) 10-ka Agoosto maalin bilaash ah oo cajiib ah oo ay ku hareeraysan yihiin xayawaanno, dad maktabad ah, saaxiibo, iyo qoys. 

Hel tigidhka VIP ahnoo bilaash ah adiga oo iska diiwaan gelinaya barnaamijka Dalxiiska Xagaaga oo aad buuxiso Hagahaaga Dalxiiska. 

Nala wadaag Dalxiiskaaga

Maktabada Dadweynaha Denver waxay rabtaa inay ku maqasho adiga: